Sunday, February 4, 2007

February 3, 2007 Somalis rally against BBC somali service in London, UK


BBC World Service claims to be founded on thefollowing principles:


  • Trust, independence, impartiality, honesty and freedom from commercial interests and political bias.

  • The Somali Service of the BBC functions on the basis of partiality in the political conflict in Somalia, dishonesty in its dissemination of news from Somalia and to be the mouthpiece of warlords.

  • The BBC Somali Service fuels the conflict in Somaliaand contributes to the subversion of peace andstability in Somalia. Furthermore it promotes schismand discord among the Somali speaking people.



























Mudaaharaadkan ay soo qabanqaabiyeen xubnaha SOMALI PEACE COUNCIL in the United Kingdom ayaan maanta ka dhacay halka laga galo BBC BUSH HOUSE.
Mudaaharaadkan oo ay ujeedadiisu aheyd si xun u adeegsiga saxaafadda xorta ah ayaa looga cabanayay sida ay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du u noqotay goob laga abaabulo colaadaha iyo iska hor imaadyada abaabulan ee ka dhaca dalka Soomaaliya.
Dadweynihii ka qeybgalayay mudaaharaadkaasi ayaa tiradoodu kor u dhaafeysay 450 illaa 500 oo ruux ayaa halkaasi ka qaadayay heeso iyo buraanburro iyo halkudhigyo kale oo muujinaysay cabashadooda.
Sidoo kale intii uu socday mudaaharaadkaasi waxaa dhinac socday mudaaharaad kale oo ay dadka Serbia iyo Iiraan uga soo horjeedaan qaabka laamaha warbaahinta ee BBC ee afafkooda ku hadla ay halkaasi ka sameeynayeen.
Intii uusan dhammaan mudaaharaadkaasi ayay ururka Somali Peace Council u gudbiyeen madaxda sarsare ee BBC-da cabashadooda ku aadan sida xun ee loo maamulay laanta ku hadasha afka Soomaaliga.
Warsidaha Idamaale ayaa waraysi ka qaaday shacabkii caraysnaa ee Mudaharaadkaan ka soo qayb galay, iyada oo dhinaca kalana ay sheegeen in ay cabashooyin farabadan u gudbiyeen BBCda laanteeda afka soomaaliga iyo madaxdeeda sare.
shacabkaan caraysnaa ayaa la kulmay ku simaha Tifatiraha Laanta Afka soomaaliga ee BBCda Yoonis cali Nuur ,waxayna sheegeen inay qoraalo u gudbiyeen.

February 3, 2007 Bush House, London, UK.

.

No comments: