Sunday, January 13, 2008

Dabka uu Yuusuf Garaad Shidayo

Dabka uu Yuusuf Garaad(BBCda) shidiyo Eldoret ma lagu daminkaraa?

Mohamud jagne

Yuusuf Garaad oo ah Madax BBC Laanta Afsomaliga waa Dabayshii Dabka Somaliya ka shidan afuufaysay, sida ay Culimadu qireena suuro gal ma ahan in Dab la danshaa inta uu Dabkaasi Dabayl uu ku shidmo helayo.
Waxaana Dabaysha Yuusuf Garaad ee Dabka Somaliya afuufta ka mid ah mida Bariisada soo dhacda oo Magaalada Qardho maanta balo aan jirin ku waabariisisiy waxaana la yaable sida xishood la´aanta ah ee uu Beelo nagi Xasan Bariise balaayo aan jirin ugu waa bariisiyey.iyo sida uu waxan dhicin oo dhiilo Colaadeed u dhiraan dhiriyey.
Haddaba Dabaylaha Yuusuf Garaad ee Beenta afuufa, Puntlandna Buuq iyo Xasarada ka sameeya, kuma eka intaa ee waxaa cad in Yuusuf Garaad iyo Homepgeyada Masabidka magaca Puntland u wata wada shaqayn ka dhaxayso.
Waxana muuqda in Beenta ay BBCdu Barqadii tabindoonto Bariisadii Homepageyada Masabidka Magac Puntland u wata oo dabankood Xamar laga leeyahay la soo galiyo, si Beenta ay BBCdu tabindoonto Dadka loogu sii bisleeyo oo marka hore baahi Wareed iyo dhago taag iyo maxay BBCduna warkaa ka sheegi doontaa loo sii abuuro, sidaasna ay u muuqato in ay BBCdu tahay meeshii Beenta laga soo afuufay iyo meeshii ka makhraati kacaysay.
Haddaba meesha Aduunku u fadhiyo sidii Dabka Somaliya ka shidan loo damin lahaa wuxuu Yuusuf Garaad ku mashquulsan yahay isaga oo Radyaal FM ah oo uu qaarna wax ka leeyahay qaarna xirir la leeyahay oo uu tababaro iyo kunturaad siin ku sasabto iyo isaga oo Homepageyada Masabita Magac Puntland u wata iyo waliba Wargayso adeegsanaya, sidii uu Puntland. dab uga dhex shidi lahaa
Si Dabka Somaliya ka shidan marka loo dansho waa in Aduunka marka hore lagala kaashadaa sidii Yuusuf Garaad iyo BBCda Laanta Afsomliga Xishoodkii iyo Dhexdhaxaadnimadii Warbaahinta reer Galbeedka lagu yaqaanay lagu soo dabaali lahaa waxaana hubaa in uuna Aduunka xorta ah sidaas naara afuufnimadu ku jirto ee xaaranta ah ee Warbaahinta loo isticmaaliyo raali ka ahaanayn, Waxaa kale oo isna hubaal ah in aan Dabka Somaliya Eldoret lagu damin karin haddii aan dabaysha afuufaysa laga daboolin.

No comments: